Somali News

Axmed Karaash oo ku wajahan magaalada Qardho ee G/Karkaar

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa saaka safar ugu baxay dhulka ah magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Mas’uuliyiinta degmada Qardho iyo qeybaha kale duwan ee bushada waxaa ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo lagu soo dhowaynayo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash kaas oo lagu wado inuu goordhow gaaro halkaas.

Axmed Karaash ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada  ee ku dhaqan ee Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Axmed Karaash uu sii gudbi doono Magaalada Boosaaso , isagoo halkaas kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta mas’uuliyiintaiyo shacabka Boosaaso magaaladaas.