Somali News

Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu safar ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.