Somali News

Axmed Madoobe oo goordhow ka hadli doono khilaafka weli ka taagan doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa goordhow warbaahinta uga warbixin doona marxalada uu Shirka Dhuusamareeb ee u dhaxeeya Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu ka hadlo sababta illaa hadda xal looga gaari la’yahay arrinta gobolka Gedo oo kamid ah qodobada salka u ah muranka Doorashada ee taagan.

Warar ay heshay idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in shirku weji kale yeeshay, isla markaasna qodobada miiska saaran si adag looga doodayo.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa dalbanaya in guddoomiyaha Aqalka sare la siiyo doorkiisa hoggaaminta doorashada xildhibaanada Waqooyi.

Lama oga isbadalka ku yimid labada Dowlad Goboleed, balse waxaa ilaa shalay socday cadaadis beesha caalamka oo ku saabsan in Madaxweyne Axmed Madoobe uu aqbalo qorshaha xalka loogu raadinayo Gobolka Gedo ee ahaa in Booliis Amisom la geeyo, guddiga doorashooyinka ee uu magacaabayna ay ka hawl galaan Garbahaareey.

Wararkii ugu dambeeya ayaa sheegayaa inay socdaan dadaalo lagu baajinayo shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland oo ka imaanaya Beesha caalamka iyo Madaxda shirka ku jirta, si la isugu dayo in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe.