Somali News

Axmed Madoobe oo kormeeray Xeryo Ciidan

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe, ayaa maanta booqday  xeryo ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo ay wehlinayeen Sarakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa halkaas khudbad ugu jeediyay Ciidanka Darawiishta Jubbaland, “Marwalba dadka Magaalooyinka joogaa niyada ayay idinku hayaan sida aad naftiina ugu hurteen ee cadowga uga hortaagan tihiin” ayuu Axmed Madoobe ku yiri Ciidamada.

Waxa uu u sheegay Ciidamadii uu maanta kormeeray Madaxweyne Madoobe in la qaadi doono duulaan Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada ay maamulaan ee gobolada Jubbooyinka.

Mudooyinkii dambe Axmed Madoobe ayaa soo ban dhigayey dhoola tus, iyadoo bisha Sideedaad ee nasoo aadan lagu wado in doorashada maamulkaas ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, waxaana jira caburin iyo caga jugleyn ay wajahayaan Musharaxiinta Jubbaland ee doonaya in ay la tartamaan Madaxweyne Axmed Madoobe.