Somali News

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Hay”adaha garsoorka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Hay’adaha garsoorka Jubaland.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ayuu Madaxweynahu ugu kuur galayaa hanaanka shaqada hay’adaha garsoorka si loo xoojiyo shaqada ay u hayaan Bulshada.

Axmed Madoobe ayaa hay”adaha garsoorka ku dhiiri geliyay inay si caddaalad ah ugu shaqeeyaan shacabka, islamarkaana waxaa uu ugu digay in musuq maasuq lagu sameeyo arrimaha garsoorka