Somali News

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Afmadow

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray golaha cusub ee deegaanka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose oo doorashadooda maalmahan ay ka socotay halkaas, kuwaas  maanta doortay gudoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa.

Axmed Madoobe ayaa wasaaradiisa arrimaha gudaha, gudiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka ku amaanay dadaalka howshaas iyo doorashadii maanta ka dhacday Afmadow.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in wasaaradda iyo guddiga doorashooyinka oo kaashanaya dadka deegaanka ay hortaalo shaqo baaxad leh iyo dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka kale ee Jubbaland, taas oo wax badan la sugayay.

“Dhamaan Degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hoggaamin ay shacabku doorteen, kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.