Keydka Sawiradda

Baarlamaanka Galmudug oo Ansixiyay Golaha Wasiiradda Cusub ee Maamulaas”Sawiro”

 Cadaado–KNN– Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Baarlamaanka Maamulkaasi horgeeyay Golaha Wasiiradda Cusub Ee uu dhwaan Magacaabay,waxaana Xildhibaanada ay Ansixiyeen Wasiiradda Cusub.

52 Xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Galmudug ayaa ogolaaday in ay Ansax yihiin Wasiiradda Cusub Ee Maamulka Galmudug,waxaana diiday sidoo kale Shan Xildhibaan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Baarlamaanka Galmudug uga Mahad Celiyay Talaabada ay ku Ansixiyeen Golaha Wasiiradda Galmudug.