Somali News

Baarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BS

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa hambalyo loogu diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Madoobe) kaas oo xalay lagu doortay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta teendhaha Afisyooni.

Caadil Bin Cabdiraxmaan oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta war-saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu soodhaweeyay doorashada guddoonka Golaha Shacabka, isagoo sheegay inay sii xoojineyso xiriirka Baarlamaanka Carabta kala dhaxeeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayuu u rajeeyay inuu si mas’uuliyad ku jirto uu u guto waajibaadkiisa uguna adeego Shacabka Somaaliyeed si wanaagsan.