Somali News

Puntland oo ansixisay miisaaniyadda sanadkii tegay

Maanta oo Sabti ah waxaa kulankoodii caadiga ahaa yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland, kaas oo looga dooday miisaaniyadda sanadkii 2021.

Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland ayaa  Xildhibaanada ka dalbaday in ay cod u qaadaan ansixinta miisaaniyadda sanadkiu tegay ee 2021.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Xisaab-xirka Miisaaniyadda dowladda ee Sannadkii 2021 taas oo dhan $121,641,672.