Somali News

Baarlamaanka Soomaaliya oo laga dalbaday meel marinta sharciga Dastuurka dalka

Muqdisho-KNN-Guddiga ka shaqeeya arrimaha Dastuurka dalka ayaa waxaa ay soo jeediyeen, in la meel mariyo Dastuurka dalka.

Guddiga ayaa maanta Baalamaanka  Federaalka Soomaaliya Labadiisa Aqal waxa ay u soo jeediyeen in sida uga dhaqsiyaha badan ay u meel mariyaan Dastuurka dalka, ama ay is kaga wareejiyaan Baarlamaanka cusub ee soo soda, sida horeyba u dhacday.

Sidoo kale ay sheegeen in meel marin la’aanta Sharciga Dastuurka dalka ay sabab u tahay, khilaafka ka dhex taagan madaxda dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, iyagoo sheegay in aysan jirin cid daneyneysa Labada dhinacba Dastuurka dalka u yaalla, sidii loo meel marin lahaa.