Somali News

Baarlamanka dowladd deegaanka Soomaali galbeed oo ansixiyay madaxweyne Cagjar

Jigjiga-KNN-Kulan maanta baarlamanka dowladd deegaanka ay ku yeesheyn magaalada Jigjiga ayaa waxaa ay ku ansixiyeen madaxweynaha KMG ee dowladd degaanka soomaali galbeed Mustafa Muxumed Cumar Cagjar iyo madaxweyne ku xigeen.

Baarlamaanka dowladd deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Madaxweyne Mustafa tilmaamay in uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Itoobiya.

Sidoo kale baarlamaanka waxaa ay laaleen degmooyinkii iyo gobboladii la magacaabay ilaa 1-dii August, Xilligii maamulka Cabdi Maxamed Cumar ay yihiin kuwo nidaam iyo sharci aan loo marin.

Madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar ayaa markii ugu horreyso isagoo ah madaxweyne maanta tagay xarunta maamulka dowladd deegaanka soomaali galbeed.