Somali News

Bambaanooyin lagu weeraray Yaaqshiid.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa maanta weerar loo adeegsaday Bambaanooyin waxaa ay ku qaadeen xarunta degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in bambaanooyinka qaar ay ku dhaceen Gudaha Xarunta,isla markaana ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dacwooyin u tegay Xarunta dgemada.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Yaaqshiid.

Ilaa iyo hadana majiraan cid loo soo qabtay weerarlaas.