Somali News

Banaanbaxyo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay xaafadaha iyo degmooyin ka tirsan gobolka Banadir.

Shacabkaan ayaa waxa ay dhigayeen bannaan bax ay kaga soo horjeedaan hadalkii gefka ku ahaa Suubanaheenna Muxamed NNKH, uu u gaystay madaxweynaha dalka faransiiska Emmanual Macron.

Shacabka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah madaxweynahan, iyagoo sidoo kale gubay calanka dalka Faransiiska iyo alaabo laga keenay dalkaasi oo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho loo iib keenay.

Muqdisho ayaa ku biireysa magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaas oo ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo Faransiiska.