Somali News

Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Bannaanbaxyada carreysan oo ka soo horjeeda xarigga Sheegow Axmed Cali oo ah sarkaal la dagaalamay ciidamada amniga ee caasiamdda Muqdisho ayaa isugu soo baxay qaar kamid ah wadooyinka muhimka.

Goobaha ay bannaanbaxayaasha mareen ayaa waxaa kamid ah isgoyska km4, iyaga oo lug ku tagey wadada Sayidka oo u dhaw Madaxtooyadda dalka.

Saacado kooban ayuu hakad ku yimid isu socodka, iyada oo markii dambe ay boolisku yimaadeen si ay u yareeyaan saxmadda ka dhalatay mudahaaraadka.

Rasaas ayaa laga maqlay qeybo kamid ah goobaha ay ku mudaharaadayeen bannaanbaxayaasha.