Keydka Sawiradda

Banaanbax looga soo horjeedo Al-shabaab oo maanta ka socda Magaalada Muqdisho”Sawiro”

Muqdisho–KNN– Boqolaal Shacab ah oo ka Careysan Xasuuqii loo geystay Dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay Sabtidii la soo dhaafay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka socda inta badan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ku Qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Doooni meyno Al-shabaab,Dooni meyno Dhiiga cabe iyo kuwo la mid ah.

Banaanbaxa Maanta ayaa imaanaya iyadoo Shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed uu ku dhawaaqay in Shacabka Muqdisho ay isugu soo baxaan Wadooyinka Muqdisho ayna ka dhiidhiyaan Falkii lagu laayay Dadka Rayidka ah ee Zoobe ka dhacay.