Somali News

Bandow mar kale lagu soo rogay caasimadda Faransiiska

Paris-KNN-Goobaha ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulshada magaalada caasimada u ah dalka Faransiiska ee Paris ayaa la amray in la xiro wixii ka dambeeya birri oo Talaado ah.

Amar kasoo baxay xafiiska m/weynaha Farnsiiska Emanual Makron ayaa lagu sheegay in ayadoo laga cabsi qabo inuu aad u faafo xanuunka Karoona bandaw laga dhigayo magaalada caasimada ah.

Warkaan waxaa lagu sheegay in bandawgaan uu Paris sii saarnaan doono muddo 2 todobaad ah waxaana ciidamada la faray inay xiraan cid kasta oo jabisa amarkaan.

Meelaha sida gaarka ah loo xiri doono waxaa ka mid ah maqaayadaha iyo meelaha kale ee bulshadu ku kulanto.

Todobaadkii lasoo dhaafay waxaa xaalad deg deg ah la gelay magaalada loo dalxiis tago ee ku taala koofurta Faransiiska ee Marselle la yiraahdo.

Afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay ku dhawaad 13 kun oo ruux oo uu ku dhacay xanuunka Karoona ayaa laga diwaan geliyay dalka Faransiiska.