Somali News

Bannaanbixii ay ku baaqeen mucaaradka ee berri oo baaqday

Waxaa baaqday bannaanbixii ay ku dhowaaqeen midowga musharixiinta, kaasi oo lagu waday in uu maalinta berri ka dhaco taallada Daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Kulamo saacado socday oo ay yeesheen xubnaha midowga musharixiinta iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa la isku af-gartay in la joojiyo bannaanbaxa, isla markaasna toban maalmood kadib la dhigo.

Xukumadda ayaa ku andacootay in bannaanbaxa mucaaradka uusan suuragal aheyn in la dhigo berrito, isla markaasna loo baahanyahay waqti ku habboon oo looga baaraan dago sugida amniga.

Lama oga in uu bannaanbaxa dhici doono xiliga ay isla garteen labada dhinac ee xukumadda iyo musharixiinta mucaaradka.