Somali News

Barlamaanka Puntland oo ku dhawaaqay xilliga la qabanayo doorashada maamulkaasi

Garowe-KNN-Kulan ay maanta ku yeesheen xildhibaanada Barlamaanka Puntland magaalada Garoowe, ayaa si rasmi ah waxa ay ugu dhawaaqeen , xilliga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada maamulkaasi.

Sideeda bisha Jenaayo, 2019-ka ayaa xubnaha Barlamaanka waxa ay isku raaceen in la qabto doorashada madaxyeenaha iyo ku xigeenkiisa, halka 31 September sanadkan 2018-ka uu dhamaanayo waqtiga Barlamaanka oo la kala dirayo.

Sidoo kale waxaa loo kordhiyay waqtiga jiritaankooda gudiga ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.