Somali News

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay hanaanka deyn cafinta Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay halka uu marayo hanaanka deyn cafinta Soomaaliya, waxeyna war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegeen in wadahadallo ku saabsanaa deyn cafinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa 14-kii Sebtember ay guul kala soo laabataySoomaaliya.

Wadamada iyo ururada soo dhoweeyay arrintan ayaa waxaa ka mid ah
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD (IGAD), Talyaaniga, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo dowladda Mareykanka.

Qoraal ay wadajir u soo saareen ayey ku yiraahdeen,  “Waxaan soo dhoweyneynaa iskaashiga dib usoo cusboonaaday ee deyn cafinta, khafiifinta iyo sidoo kale in la horumariyo dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan”.