Somali News

Beesha Caalamka oo war kasoo saartay shirka Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaalada Galmudug iyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxeyna sheegeen in shirkaas uu yahay mid dhalin kara in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Beesha Caalamka  ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug, iyadoo bogaadisay furitaanka shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, kaas oo lagu dhameynayo tabashooyinka ka dhex jira beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug.

 “Waxaan soo dhoweyneynaa balanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geedi socodka shirka dib u heshiisiinta oo u muuqda mid loo dhan yahay aana bogaadinno, dadaallada Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxda ugu sareysa Galmudug iyo hoggaamiyaasha bulshada oo siku keenay bulsho isku faraxsan iyo kuwo wax kala tabanayey inntaba,” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.