Somali News

Biden oo laalay xayiraadii saarneyd soo-galootiga Mareykanka

Madaxweynaha Joe Biden ayaa laalay wareegto uu hore u soo saaray madaxweynihii isaga ka horeeyay, taas oo hor istaagtay in badan oo ka mid ah dadkii soogalootiga ah ee dalban lahaa deganaashaha Mareykanka.

Madaxweynihii hore Donald Trump ayaa mamnuucay soogalootiga, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo shaqaalaha Mareykanka, iyadoo shaqo la’an badani ay jirto cudurka faafa ee coronavirus aawadiis.

Waxa uu Biden diiday sababayntaas kaddib markii uu soo saaray bayaan rasmi ah oo uu ku laalay xayiraaddii fiisahaas Arbacadii.

Biden weli ma qaadin xayiraad kale oo saaran inta badan shaqaalaha ajaanibta ah ee ku meel gaarka ah.

Bishii Oktoobar, garsoore federal ah oo jooga California ayaa diiday xayiraadda Trump ee shaqaalaha ajinabiga ah ee ku meel gaarka ah maadaama ay saameyn ku yeelatay boqollaal kun oo ganacsiyada Mareykanka ah kuwaas oo maxkamadda uga dagaallamay siyaasadda lagu xayiray shaqaalahaas.