Somali News

Booliiska Galmudug oo xabsiga dhigay ganacsato banaan bax ka dhigayay magaalada Guriceel

Guriceel-KNN-Bannaanbaxyo ballaaran ayaa maanta waxaa au  ka dhaceen  Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxaana bannaanbaxa dhigayay dad shacab ah oo sida la sheegay ka soo horjeeda  tallaabo ay qaadeen Ciidamada Booliska Galmudug gaar ahaan kuwa magaalada Guriceel.

Bananxayaasha ayaa  sheegay in ay ka cabanayaan amar ay soo rogtay wasaaradda Xannanada Xoolaha Maamul Goboleedka Galmudug, kaasi oo ahaa in dadka ganacsatada ah ee suuqa xoolaha ku ganacsada ay ka guuraan goobihii ay markii hore ku ganacsan jireen.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa maanta waxaa ay xireen dadka banaanbaxa ka dhigayay magaalada Guriceel.

Cabdirisaaq Cabdullahi Faarax, waa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Gurceel waxaa uuna la hadlay KNN, isagoona faahfaahinayay dadka la xiray iyo sababta loo xiray.

Suuqleyda xoolaha ka ganacsata ayaa sheegay in wax yaabaha ay ku diiddan yihiin suuqa cusub ay tahay xaalad amni xumo, waxaana ay sheegeen in aysan ku ganacsan karin suuqa dhawaan la dhisay ee magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Hoos Ka Dhageyso.