Somali News

Booliiska oo faah-faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxii EX-Kontarool

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa maanta ka dhacay isgoyska Ex Kontorool-Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Booliska, Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa khasaaraha qaraxa ku sheegay geeriyada haweeney shacab aheyd iyo qofkii  is qarxiyay,  waxaana ku dhaawacantay 23 qof.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaan dheeraad ah oo la xiriira qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ay waxyeelada ka soo gaartay dadka shacabka ee ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee Muqdisho.