Somali News

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dad ku eedeysan dilka sarkaal ka howlgalayay Hay’adda Duulista Rayidka

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 6 Eedeysane loo soo qabtay Kiiska Marxuum Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan oo Caawa Fiidkii Meydkiisa laga helay Qol uu ka daganaa guri ku yalla dagmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, haddana ay socoto baarista Kiiskaasi.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa waxaa lagu yiri

Caawa fiidkii abaare 06:30 PM ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaa soo gaartay xogta in meydka muwaadin uu yaalo gurigii uu dagaanaa oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan, Ina Mako Nuur Dhimbil 32 Jir ahaa ku dhashay Gebiley waqooyi-Galbeed, Deganaa Degmada Wadajir, kana shaqeyn Jiray Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ciidanka Boliiska oo goobta gaaray, ayaa bilaabay baaritaano la xariira dhacdada. waxaana gacanta Boliiska hada ku Jira ilaa 6 eedeysane iyo cadeymihii goobta loogu tagay, waxaa socda baarista kiiskan wixii ku soo kordha dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa.

Wa bilaahi Towfiiq