Somali News

Booliska Beledweeyne oo ka hadlay Dil loo geystay mid kamid ah ergaddii soo dooratay xildhibaanadda BJFS.

Muqdisho-KNN-Taliyaha Booliska Magaalada beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan ayaa Faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay dil loo geystay Cabdirashiid Maxamed Geedi oo kamid ahaa ergadda soo doortay Xildhibaanada Gollaha Shacabka BJFS.

Bishaar xuseen jimcaale Taliyaha Saldhiga Magaalada Beledweyne oo lahadlay BBC-Da ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin In ay dileen Dagaalamayasha Al-Shabaab sidoo kalana ay ka danbeeyeen dilka Cabdirashiid Maxamed Geedi maadaama uu kamid ahaa Ergadii soo doortay Xildhibaanada Gollaha sharabka Bishii Maarso ee sanadkaan.

Taliyaha ayaa sheegay in dilka oo ka dhacay xaafdda kooshin ee magaalada Beledweeyne markii lagu soo wargeliyay ay bilaabeen baaritaan la xiriira dilka, oo ay ilaa hatan wadaan, mana sheegin Taliyahu Cid loo soo qabtay Dilka loo geystay Cabdirashiid Maxamed Geedi.