Somali News

Booliska oo sheegay in gacanta lagu dhigay shabakad ka ganacsata caruurta

Taliska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta Ku soo dhigeen shabakad ka ganacsatada caruurta.

Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiye Xuseen ayaa sidan Ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

“Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween. Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.” ayay tiri taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya