Somali News

Booliska Pakistan oo toogtay laba hogaamiye oo ka tirsan Taliban

Sarkaal maxalli ah ayaa sheegay in booliiska Pakistan ay dileen laba hoggaamiye oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa “Taliban Pakistan”,  howlgal ka dhacay waqooyi-galbeed ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan booliiska gobolka Mohammad Ali Gandapur ayaa sheegay in dagaalyahannada “Taliban Pakistan” ee dhintay la doonayay waxaana ay ka dambeeyen oo lala xiriiriyay dilka shan booliiska kamid ah, sidoo kalena ay ku lug lahaayeen weerarro lagu qaaday koontaroollada ammaanka.

Dawladdu waxay u qoondaysay abaal-marin dhan $7,259 ciddii keenta maclumaadka shaqsiyaadkaasi ladilay.