Somali News

Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Mas’uuliyiin loo xiray musuq maasuq

Muqdisho-KNN-Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Bariga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Bariise   ayaa Maanta waxaa uu ka warbixiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha oo dhawaan loo xiray falal la xiriira musuq maasuq.

Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan wax isdaba marin ka jirtay kastamka Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde,isla markaana xabsiga la dhigay qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo Saraakiisha kastamka.

Sidoo kal e Taliyaha ayaa  waxaa uu shaaca ka qaaday  in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo.

Arintan ayaa waxaa ay ku soo aadaysaa kadib markii maalmo ka hor shaqsiyaad loo xiray in ay ku kaceen falal la xiriiraha musuq maasuq.