Somali News

C/salaan Dhabancad oo ka hadlay doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka

Xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoomiye ku-xigeenada Golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, xili hoolka doorashada ay ku sugan yihiin Musharixiinta tartameysaa & Xildhibaanadii ugu badnaa ee galaha ka tirsan.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan oo warbaahinta kula hadlay goobta doorashada ayaa sheegay in tii hore ay guul ugu soo dhamaatay islamarkaana ay goordhow bilaabi doonaan doorashada guddoomiye ku-xigeenada Golaha Shacabka ee BFS.

“Tii hore guul ayey noogu dhamaatay midaana hadaa bilaabeynaa sidoo kale guul ayaan ka rajeyneynaa waan dhameystireenaaInsha Allah, inay maanta inoo dhacdaa rabnaa doorashada dadka iyaga oo isku faraxsan inay ku kala baxaan waana dadejineynaa maadama xalayna dadku dhibaato badan ay kala sheeganayeen” ayuu yiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Isagoo sii hadlayay wuxuu yiri “waa ku mahadsan yihiin hambalyaa u dirayaa waxay u dulqaateen xalay waa dalkeena, waxaa la yiri dalka hala badbaadiyo anaguna wixii nagu dhacay waan u bareernay hadana insha Allah waan soo afjareynaa intaan qoraxda noo dhicin”

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad waxaa u tartamaya musharixiin gaaraya 7, halka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ay u taagan yihiin musharixiin iyaguna gaaraya 6 mudane oo dhamaantood ka tirsan Xildhibaanada Golaha shacab ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.