Somali News

Cabdi xaashi oo ka horyimid qaraarka ay gaareen golaha shacabka

Guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa ka hor-yimid muddo kordhin ay maanta xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda.

WarSaxaafadeed ka soo baxay aqalka sare ayaa waxaa lagu sheegay in dastuurka ay baalmarsantahay tilaabadaasi, Isla markaasna awoodaasi laheyn xilidhibaanada Golaha Shacabka.

“Gole ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soornaaliya kuma tagrifali karo awoodda dastuuriga ah xeer-dejinta Dalka, isaga oo muddo xileedkiisu dhammaaday” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Aqalka sare ayaa ka digay in go’aanka xildhibaanada Golaha Shacabka uu sababi karo xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

“Go.aanka halka dhirnac ah Golahsi Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday wuxuu uu dalka u horseedayaa xasilooni darro siyaasadecd oo ay wehliyaan khataro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin Karin”  ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Sidoo kale aqalka sare ayaa sheegay in go’aanka xildhibaanada gaareen uu sii fogeynayo in xal laga gaaro khilaafka doorashada ee weli taagan

“Go,ankaasi wuxuu sii fogeeyay xal laga gaaro doorashooyinkaIka isaga oo si toos ah u baalmanty sharciyaddii dowladnimada ee ku dhisnayd Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Xildhibaannada golaha Shacabka ayaa maanta isku raacay sharciga jiheynta doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah

Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay in 153 Xildhibaan ay joogeen golaha ayna ogolaatay 149 xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan halka ay diidaan 3 xildhibaan kale sida uu natiijadaas ku dhawaaqay

Sharcigan ay Baarlamaanka ansixiyeen ayaa ka dhigan in dowladda hadda jirta ay sii shaqeyn doonto mudada Labada sano ah ee nagu soo foolka leh.

Qoraalka warqada ayaa u qorneed sidan;:-