Somali News

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war ka soo saaray kulanka uu la qaatay R/wasaare Rooble

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha xibiga wadajir ayaa ka warbixiyay kulan uu la qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu muranka badan ka taaganyahay, arrinta gobolka Gedo iyo doorashada xildhibaanada gobolada waqooye.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook-ga ayuu ku yiri:-

“Waxaan maanta xafiiskiisa kulan ku yeelanay Raysalwasaaraha Dawlada Federaalka ah, mudane Maxamad Xuseen Rooble. Waxaan ka wada hadalnay tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo. Wuxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda. Waxaan kalooo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada iyo laga wada shaqeeyo xasiloonida dlaka”