Somali News

Cali Guudlaawe oo mashaariic ka dhagax dhigay Cadalle, Sawirro:-

Muqdisho-KNN-Madaxweyne  ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyo degmada xeebta ku taalla ee Cadalle.

Cali Gudlaawe ayaa magaaladaas ka dhagax dhigay ilaa sagaal xarumood oo uu sheegay in maamulkiisu uu dhisayo, waxayna kala yihiin xarumahaas:

1- Xarunta Degmada.
2- Guriga Martida
3- Guriga Hooyooyinka
4- Dugsiga H/Dhexe iyo Sare ee Sheikh Axmed Gabyow
5- kawaanka Xoolaha
6- Kawaanka Malayga
7- Suuqa Khudaarta
8- Garoonka K/Koleyga
9- Taalada Nabada ee Sh Axmed Gabyow.