Somali News

Canada oo hanjabaad hawada u marisay Ruushka

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa balan qaaday in Ukrain uu ka taageerayo waxa uu ugu yeeray gardarada qaawan ee ku hayso dowladda Ruushka.

RW Canada ayaa hadalkaas ka sheegay kadib kulan uu magaalda Toronto kula qaatay Madaxwaynaha cusub ee dalkaasi Volodymyr Zelensky.

“Gardarada Ruushka iyo iskudayga meel uga dhaca madax banaanida Ukrain ayaa ah mid ay muhiim tahay in laga hortago, Canada’na waxa ay garab taagantahay dhigeeda Ukrain” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Trudeau.

“Ficilada Ruushka kali ah ma’ahan waxa ay halis galinayaan Ukrain balse waxa ay qal qal galinayaan shuruucda caalamiga ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Canada.

Shir ay ka qayb galayeen matalayaal kakala socda 30 wadan, midowga yurub iyo ururo caalami ah oo lagu taageerayay Ukrain ayaa khamiistii lasoo gaba gabeeyay.

Tan iyo sanadkii 1991’kii Canada ayaa noqotay sanadkii 2014’kii wadankii ugu horeeray oo galbeed ah oo Ukrain u aqoonsada dal madax banaan.