Somali News

Caro ka dhalatay ku celiyo doorashadii ka dhacday magaalada Istanbul

Muqdisho-KNN-Guddiga doorashooyinka dalka Turkiga ayaa cambaarayn xoogan kala kulmay in lagu celiyo doorashadii magaalada Istanbul taas oo bishii March ay ku guulaysteen mucaaradka.

Boqolaal ruux oo ka careesan go’aanka gudiga doorashada ayaa iskugu soo baxay degmooyin dhawr ah oo magaalada Istanbul katirsan iyagoona ku dhawaaqayay hadalo lid ku ah dowladda.

Xisbiga AK Party ee uu hogaamiyo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku andacooday in doorashadii Istanbul aysan si hufan u dhicin ee uu hareeyay musuq maasuq.

Bishii April ee aynu kasoo gudubnay ayaa lagu dhawaaqay in Ekrem Imamoglu, oo ahaa musharaxii xisbiga mucaaradka CHP uu ku guulaystay Maayarka magaalada Istanbul.

Go’aanka haatan kasoo baxay gudiga doorashada ee ah in markale laqabto doorashada ayaa loo mudeeyay 23’ka bisha June.

Baarlamaanka midowga yurub ayaa dhankiisa go’aanka ah in lagu celiyo doorashada ku tilmaamay mid soo gabagabeenaysa in doorashooyin dimoqoraadi ah ay ka dhacaan dalka Turkiga.