Somali News

Caruur shuban biyood ugu geeriyootay degmada Kaxda

Muqdisho-KNN-llaa 3 Caruur ah ayaa lagu soo warramayaa in Cudurka Shuban Biyoodka ay ugu Geeriyoodeen Kaam Barakac oo ku yaalla degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Ku dhawaad 70 Ruux oo Ka mid Ah Dadkii Dhawaan Ka soo Barakacay deegaano ka tirsan  Gobolka Shabeellada Hoose ee Soo gaaray Kaamamka ku yaala Degmada Kaxda Ee Gobolka Banadir ayaa Waxaa ay Wararku Sheegayaan In uu soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka Oo Sameyn Ku Yeeshay Xaaladooda Caafimaad.

Wararka ayaa sheegaya in Caruurtaasi beryihii dambe ay kaamka saacid oo ku yaalla degmada Kaxda kula ildarnaayeen Xanuunka Shuban Biyoodka haatanna ay jiraan tiro Caruur kale oo xanuunkaasi la ildaran.

Mid kamid ah dadka deegan halka ay caruurta shuban biyoodka ugu geeriyoodeen ayaa KNN uga waramay.

Halkan ka dhageyso:-