Somali News

Cawad oo war ka soo saaray xil ka qaadista caawa lagu sameeyey

Muqdisho-KNN-Wasiirkii xilka laga qaaday ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey, isagoo cadeeyey in wax xil ah uusan ka qabadoonin dowladan.

Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka waxuu mahadcelin ugu jeediyey madaxweyne Farmaajo “Madaxweynuhu waa ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee la ii magacaabay 4tii November 2018. Abaal ayaan Madaxda dalka iyo ummadda Soomaaliyeedba uga hayaa” ayuu qoraalkiisa ku yiri Axmed Ciise Cawad.

Qoraalka Cawad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan halkaan ku caddaynayaa inaanan hadda diyaar u ahayn xil aan qabto mid Safiirnimo iyo mid kale toonna”.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abubakar ayaa loo magacaabay wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya, sida lagu shaaciyey dikreeto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

https://twitter.com/MinisterMOFA/status/1329495215913185289?s=08