Somali News

CC Shakuur oo madaxda DG iyo Rooble ka dalbaday inay dhex-dhaxaad ka noqdaan doorashada

Muqdisho-KNN-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu doonayo in uu doorashada dalka ka dhacaysa uu ka noqdo garsoore, isago oo musharax ah.

“Madaxweyne Farmaajo waxa uu rabaa inuu yiraahdo ciyaartaan aan isla galno firimbigana anaa jeebka ku haysto adiga markaad gacan ku taabato firimbiga waa la yeerinaa haddaan aniga aan ku taabtana lama yeerinaayo”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka dalbaday madaxda dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha dalak inay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada, isagoo sheegay in hadda ay Madaxtooyada ku soo hareen Farmaajo iyo taliyihiisa NISA.

“Meesha dad waa joogaa in la dhaho yac waa la iska kiin dhici karaa ee inaan yac la dhaho yaanan la isla gaarin.”ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadalkan ka jeedieyey shirka midowga Musharaxiinta oo Muqdisho ka socda.