Somali News

Ciidamada amaanka oo dhalin yaro badan ka qabtay Cadaado

Cadaado-KNN-C/llaahi C/raxmaan Xuseen Tootoolle Gudoomiyaha degmada Cadaado oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay magaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud  ay ka sameeyeen howlgal lagu qabtay dhalin yaro lagu eedeeyay inay falal amni daro ay ka geysteen Magaaladaasi.

Guddoomiyaha degmada Cadaado ayaa sheegay in la qabtay shaqsiyaad weeraray dad ka shaqeeya dhismaha oo dhawaan ka yimid Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa  sheegay in Sababta dadkaas loo beegsaday ay tahay kadib markii qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka cabanaya in ay la wareegeen shaqooyinkii ay qaban lahayeen dadka deegaanka.

Halkan ka Dhageyso.