Somali News

Ciidamada amaanka oo la sheegay in garoonka Aadan Cade ay ku qabteen Nin walxaha qarxay watay.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Nin la sheegay inuu watay dhalashada koonfur afrika maanta lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ee aadan cadde kaddib markii looga shakiyay inuu siddo boorso ay ku jireen walxaha qarxa.

Ninkan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa lagu sheegay mid kamid ah boorsooyin uu sittay ay ku jireen qalab loo maleynayo inay yihiin kuwa qarxa kuwaa oo ay ka gudbi waayeen mashiinada wax baara ee garoonka aadan cadde yaalla.

Ninka la qabtay ayaa lagu sheegay inuu ku safri rabay diyaaradda ithoobian air,balse diyaaradda ayaa duushay iyada oo anan wadin wax rakaab ah kaddib markii lagu wargeliyay dhacdadan.

Ilaa iyo hada ma jirto cid ka tirsan booliiska soomaaliya ama maamulka garoonka diyaaradaha oo arintan faahfaahiyay.