Somali News

Ciidamada AMISOM oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax miino lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamada midowga Africa ee AMISOM.

Dad goobjoogayaal ah KNN u sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax lala eegtay Ciidamada AMISOM.

Inta la xaqiijiyay 3 ka mida ah ciidamada AMISOM ayaa goobta ku geeriyooday, halka qof dumar aheyd oo mareysay wada dhinaceeda ku dhimatay.

Ma jiraan wali wax war oo ka soo baxay ciidamada Saraakiisha booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.