Somali News

Ciidamada AMISOM oo maanta Buurane ku toogtay haweeney ay seygeedii horay u dileen

Muqdisho-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saakay qarax lagula eegtay deegaanka Buurane oo ka tirsan gobolkaas.

Ciidamada la qarxiyey ayaa la sheegay inay ka tirsanyihiin kuwa Burundi, waxayna qarax kadib halkaas ku toogteen haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka.

Dad ku sugan deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa noo sheegay in askarta AMISOM uu qaraxaas ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada ayaa rasaas u riday jiho kasta, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, waxayna toogteen haweeney ka ag dhaweyd goobta lagu qarxiyey.

Sidoo kale dadka ku nool deegaanka Buurane ayaa KNN u sheegay in hadda kahor ay ciidamada AMISOM sidaan oo kale u toogteen Seygii, haweeneyda ay maanta toogteen, kadib markii sidaan qarax loola beegsaday.