Somali News

Ciidamada AMISOM oo maanta markale lagu qarxiyay Shabeellada dhexe

Balcad-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobalka shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho qaraxyada lala eegtay xilli ay ku safrayeen agagaarka Xeradii hore ee Ciidamada Hiilweyne o dhow degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada Dhexe.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan khasaaro lixaad leh uu soo gaaray cidamo AMISOM, inkasto ilaa iyo hada aan la ogeyn.

Shalay ayay aheyd Ciidamo-ka tirsan kuwa AMISOM lagu qarxiyay gobalka Shabeelada dhexe..