Somali News

Ciidamada AMISOM oo markale lagu qarxiyay Ex-kontorool Balcad ee Muqdisho

Muqdisho –KNN-Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-kontorool Balcad ee gobolka Banaadir,waxaana sida lasheegay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa la sheegay in lala eegtay Kolonyo Ciidamada Amisom oo wadada marayay, waxaana qaraxa kadib xigay rasaas xoogan oo Ciidamada Amisom ay fureen, sida ay dadka deegaanka u sheegeen KNN.

Lama oga khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxaasi iyo rasaasta Ciidamada Amisom ay fureen, balse dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qaraxa.

Wadada Warshadaha oo Ciidamada Amisom isticmaalaan, ayaa qaraxyo miino halkaasi lagula eegtaa, iyadoona manta  qarax miino Ciidamada Amisom lagula eegtay nawaaxiga isgoyska SOS ee Magaalada Muqdisho.