Somali News

Ciidamada AMISOM oo qof rayid ah ku dilay Suuqa Xoolaha

Muqdisho-KNN-Warar naga soo gaaray xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa tilmaamaya in Qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM oo halkaa marayay.

Miinada dhulka lagu aaso ayaa ciidankan lala beegsaday, balse qaraxaa ma uusan haleelin gawaaridii ay wateen AMISOM, dadka deegaanka oo la hadlay KNN ayaa sheegay in kadib qaraxaa ay ciidanka Midawga Afrika ay dileen qof rayid oo watay gaari oo xilliga qaraxu dhacayay ku dhawaa kolonyada AMISOM.

Xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa tiro dhowr ah qayaastii Saddexdii bilood ee ina dhaafay waxaa lagula beegsaday qaraxyo AMISOM, xilli ay ku safrayeen wadada Aadda Balcad gaar ahaan aagga Suuqa Xoolaha.