Somali News

Ciidamada ammaanka Muqdisho oo caawa fashiliyey qarax culus

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhow inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay qarax xoog leh, kaas oo ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Qaraxaas ayaa la sheegay in laga soo buuxiyey jawaan, isla markaana la dhigay banaanka garoonka. Waxaana inay fashiliyaan ku guuleystay ciidamada booliska Soomaaliya, sida ay noo xaqijiyeen ilo dhanka ammaanka ah.

Majiro wax khasaare ah oo goobta laga weriyey oo ka dhashay qaraxaas ay sida bareerka ah ciidamada booliska Soomaaliya u qarxiyeen, waxaana inta badan qaraxyada noocaan ah Muqdisho ka geysta ururka Al-Shabaab.