Somali News

Ciidamada ammaanka oo xiray wadaad maalmo ka hor dadka daawada Ciyaaraha gaaleyseeyay

Ciidamada dowladda ayaa gurigiisa ugu tagey Sheekh Mustafa Cali Caanood si ay su’aalo uga waydiiyaayaan ereryo uu soo duubay oo ay kamid ahayd in qof kasto oo koox Kubadda cagta taageero uu gaaloobay.

Ciidamada tagey gurigga wadaadka, ayaa su’aalooyin weydiiyay Wadaadka oo maamule ka ah masaajidka Dabaqeenka oo ku yaal deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qaar kamid ah su aalaha ayaa waxaa kamid ahaa, Waxa uu aaminsan yahay? Hadii ay jiraan urur uu horay ugu tirsanaa? fikirka uu dowladnimada ka aaminsan yahay? arrinta uuka dhawaajiyay shalay iyo su’aalooyin kale ayaa la weydiiyay.

Mustafa Cali Caanood ayaa horay u sheegay in Qofkii ku tukada masaajid uusan aqoon aan laga aqbali doonin salaadiisa.