Somali News

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay nin ku Eedeysanan dilka Xaaskiisa

Taliska ciidamada booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Bashiir Cabdi Xasan oo xaaskiisa Jimcihii ku dilay, degmada Warta-nabada ee gobolka Banaadir.

Booliiska ayaa shaaca ka qaaday in ninkaan ay gacanta ku hayaan, isla markaasna dhowaan la maxkamadeyn doono.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa hada gacanta ku haya eedeysane Bashiir Cabdi Xasan, oo horay xaaskiisii Salaado Faarax Cali ugu dilay Degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir 4tii- June- 202.

Eedeysanaha oo aan horay u baahinay in lagu magacaabo Bashiir Cali Jaamac. laakiin, aan ogaanay in magaciisa runta ah uu yahay Bashiir Cabdi Xasan, eedeysanuhu wuxuu wajahidoonaa Cadaalada, hadii alle idmo” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Sadiiq Doodisho.

Bashiir ayaa ku eedeysan in uu dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Salaado Faarax Cali, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaalla xaafadda Geed-jaceel ee degmada Warta-nabadda.

Dadka deggan xaafadda Geedjaceel ayaa aad uga argagaxay dhacdadan Bashiir uu ku dilay Xaaskiisa Sallaado.