Somali News

Ciidamada Booliska Galmudug oo dad masoomayaal ah ka qabtay Balanbale

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamada amaanka ayaa Howgalkan ka dhan ah dadka Masoomayaasha waxaa ay ka bilaabeen magaalooyinka ka tirsan Gobalka Galgaduud.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa ciidamada amaanka waxaa ay ka sameeyeen degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud, iyagoona gacanta ku soo dhigay dad masoomayaal ah, waxaana ayna tiradooda ay gaarayeen 5 qof.

Taliyaha saldhiga Booliska ee degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa uu sheegay in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka Masoomayaasha, isagoona digniin u diray dadka ka ganacsada cunta, islamarkaana waxaa uu fariin u diray dadka shacabka ee ku nool degmadaasi.

Howlgallada lagu u gaarsanayo dadka masoomayaasha ah ee ay sameynayaan ciidamada amaanka ee Galmudug  ayaa maalmihii dambe waxaa ay ka wadaan degmooyinka Gobalka Galgaduud.

Halkan ka dhageyso Codka.