Somali News

Ciidamada Dowladda oo guullo ka sheegtay dagaal ka dhacay Sh/Hoose

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa ay kaga hadleen dagaal qorsheysan oo xalay ay ku qaadeen magaalada Xaaji Cali oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in xalay abaare 2:00am Saqdii dhexe ay weerar qorshaysan ku qaadeen magaaladaasi Xaaji Cali, kadib markii ay jid gooyo u sameeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo damacsanaa in ay halkaasi dagaal ka gaystaan.

Talisku waxa uu sheegay in ay baacsadeen Shabaabkii damacsanaa in ay weerar gaystaan, iyagoo dib u gurtay oo ay la gaareen Tuulooyinka Geel Gub iyo Masjid Cali Gaduud.

War saxaafadeedka ayaa Talisku waxa uu ku shaaciyay khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac, iyagoo sheegay in dagaalamayaasha Al Shabaab ay ka dileen 15 dagaalame halka 26 kalena ay ka dhaawacmeen.

Dhinaca kale khasaaraha soo gaadhay CXD ayaa lagu sheegay in ay kaga dhinteen hal sarkaal, hal sarkaal xigeen iyo labo askari oo dhintay, halka saddex askarina ay ku dhaawacmeen.

Gabagabada war saxaafadeedka ayaa Talisku waxa ay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab