Somali News

Ciidamada Dowladda oo howlgallo lagu baadi Goobayo Al-Shabaab ka sameeyay Hiiraan.

Muqdisho-KNN-Ciidamadda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururka 8 aad ee guutada 18-aad Ciidanka Kumaandooska GOR GOR ee XDS ayaa Howlgal lagu baacsanayo dagaalamayasha Al-shabaab  ka fuliyey tuulooyin hoostaga degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in intii uu socday howlgalku, ay Al-Shabaab ka saareen deeganno badan oo hoos tagga gobolka hiiraan Sidda uu sheegay Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Gashaanle Bashiir Cabdullahi Cumar.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Rag ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanaddii ay la wareegeen.